U bood dhigaalka

Madaxweye Farmaajo: Saxaafadda Xorta Ah Waxaa Ay Muhiim U Tahay Hubinta Isla Xisaatanka Xukuumadda Heerarka Kala Duwan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bartiisa rasmiga ee Twetter-ka ku ammaanay kaalinta warbaahinta xorta ah ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo jawaab ka bixinayey qoraal ay Goobjoog News ka sameysay khudbadiisa xilliga uu ahaa murashaxa waxaa uu qoray sidan:

“Warbaahinta xorta ah, waxaa ay muhiim u tahay dib uu nooleynta qarankeenna iyo hubinta isla xisaabtan ka dhaqan-gala  heerarka kala duwan ee xukuumadda. …”

Qoraalka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo:

tweter farmaajo

Hadalka madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu ka marqaati kacayaa sida warbaahinta xorta ah ay muhiim ugu tahay in madaxda dowladda lala xisaabtamo xilli walba, lagu booriyo in ay xilkooda gutaan.

Warbaahinta xorta ah waxaa ay horay cadaadis ugala kulantay dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaa la ogaan doonaa sida xukuumadda Farmaajo ula dhaqanto una dhowrto xuriyadda hadal-ka, fikirka iyo qoraalka.

Mudane Farmaajo waxaa lagu wadaa in la caleemo saaro toban(10) maalmood kadib, si ay u bilaabato shaqada laga sugayo afarta sano ee soo socota.

Qoraalka Uu Madaxweynaha Ka Jawaabay:

Goobjoog News