U bood dhigaalka

Madaxweye Xasan oo Magacaabay Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliye mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow magacaabay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana xiligaas madaxweynuhu u magacaabay mudane Xildhibaan Xamse Cabdi Barre oo ka tirsan golaha shacabka.

Madaxweyne Xasan oo ka hadalay goobta magacaabista ayaa sheegay inuu Xamse uu ku doortay kartida iyo aqoonta uu u leeyahay, Xildhibaan Xamse Cabdi Barre ayaa ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya iyadoo laga soo doortay Jubbaland.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee la magacaabay ayaa xilka kala wareegi doona ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo lagu xasuusto dadaalkii iyo juhdigii uu kusoo bixiyay doorashada Soomaaliya oo isaga uu daadihinayay, waxaana Xamse laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad.

Goobjoog News