U bood dhigaalka

Madaxweymaha Soomaaliya oo ka qeyb Baroordiiq loo sameeyay ciidamada Kenya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa aas qaran u samaynaysa ciidamadii uga dhintay maalmo ka hor deegaanka Ceel- cadde ee gobolka Gedo.
Aaska oo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Nairobi ee xarunta u ah waddanka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas uga qaybgalaya muunaasabad loogu baroordiiqayo askartii Kenya looga dilay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Sidoo kale baroordiiqdan loo sameynayo ciidamada Kenya ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sida uu daabacday wargeyska Dailynation.
Lama oga tirada saxda ah ee looga dilay ciidamada Kenya weerarka lagu qaaday saldhigga ay ku la’haayeen gobolka Gedo hase yeeshee waxaa la geeyay dalka Kenya meydadka qaar kamid ah ciidamada loo baroordiiqayo maanta.