U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Ethiopia Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tagaya Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Ethiopia  Mulatu Teshome ayaa waxa uu booqasho rasmi ah ku tagayaa dalka Turkiga iyadoo ay booqashdaasi socon doonto 6 -10 bisha febaury ,

Warsaxaafadeed ka soo baxay  dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Ethiopia uu kulamo labo geesood ah  la yeelan doono madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan , sidoo kale waxaa la qabanayaa kulamo heer wafuud ah.

Warka ka soo baxay Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in  Mulatu Teshome uu la gorfeyn doono madaxda waddanka Turkiga  xariirka laba geesoodka ah iyo horumaradii ugu dambeeyay ee dhanka caalamiga ah iyo dhanka gobolka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo madaxweynaha dalka Ethiopia  inta uu kuguda jiro booqashadiisa  dhagax dhigga safaaradda cusub ee Ethiopia ay ku yeelanayso magaalo madaxda Ankara ee Turkiga.

Goobjoog News