U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Ruushka Oo Ku Dhawaaqay In Ciidamadiisu Kala Baxayo Siiriya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa wadamada reer galbeedka kaga yaabsaday kadib markii uu sheegay in uu amray in ciidamada ka jooga dalka Siiriya badankood ay dalkaas uga soo bixi doonaan si degdeg ah.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay ulajeedadadii Siiriya ay u galeen ciidamadiisu ay ka gun gaareen oo  ka bixitaankooda dalkaana uu maanta oo Talaada ah billaabanayo.

Warkan ayaa soo baxay xilli wada hadallo ay u socdaan mucaaradka dalka Siiriya iyo dowladda dalkaa ee uu Hoggaamiyo madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Ruushka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee madaxweyne Asad, waxa uuna Asad qudhiisu war uu ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in uu la dhacay mowqifka Moscow.

Ka bixitaanka ciidamda dalka ruushka ee dalka Siiriya jooga waxa uu ku saleysnaan doonaa xaaladda dhabta ah ee ka taagan Siiriya ayaa lagu yiri warka ka soobaxay xafiiska Vladimir Putin.

Dalka Ruushka ayaa billaabay duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu gacansiinayo dowladda siiriya September –tii la soo dhaafay xiligaas oo mucaaradka siiriya uu u sii dhowaanayey in uu dalkaa gabi ahaanba la wareego.

Howlgalka Ruushka uu ka wado dalka Siiriya waxa uu fududeeyey in ciidamada madaxweyne Asad ay gacanta ku dhigaan dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 10,000 oo Kilo Mitir oo isku weer ah.

Madaxwene Putin ayaa kala amray wasaaradaha difaaca iyo arrimaha dibadda in ay ku dhaqsadaan howlaha Horyaalla ee Siiriya Quseeya.

Marka laga soo tago ciidamada Siiriya ka baxaya waxaa jiri doona kuwo kale oo dalkaas ku sii sugnaan doona waxa ayna joogi doonaan Laba saldhig oo waa weyn oo dalka Siiriya ku yaalla kuwaas oo sii gacansiin doona ciidamada dalka Siiriya.

Mucaaradka dalka Siiriya ayaa soo dhoweeyey dhaqaaqan cusub ee Ruushku ku dhawaaqay.

Goobjoog News