U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Sudan Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Isaga Degayo Xukunka Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo Suudaan xukumayay muddo gaaraysa 27 sano, ayaa Khamiistii shalay ku dhawaaqay inuu xukunka iskaga dagayo sanadka 2020, waqtigaas oo ku aaddan gabagabada xilliga madaxtinimadiisa.

Madaxweyne al-Bashiir oo wareysi gaar ah ay la yeelatay idaacadda “BBC”, ayaa si cad u sheegay in shaqada uu qabtaa ay tahay mid aad u daal badan, isla markaana aanuu dooneyn inuu dib isu soo taago doorashooyinka dalka Suudaan ee sanadka 2020-ka.

Madaxweyne al-Bashiir ayaa xukunka Suudaan qabtay sanadkii 1989-kii, kadib afgambi milatari oo ay gacan siinayeen ururro islaami ah.

Waxaa dib mar kale loo doortay sanadkii hore 2015, doorasho ay mucaaradku qaadaceen in badan oo beesha caalamka ka mid ahna ay dhaliileen, iyadoo ay xusid mudan tahay in  madaxweyne al-Bashiir uu horay u sheegay inaanuu isku soo sharaxayn doorashada sanadka 2015.

 

Goobjoog News