U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Safar Ku Imaanaya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

erdogen-280x175Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa booqashadiisa ugu horeysa tan iyo markii la doortay ku tagi doona 12 Dal oo Afrikaan ah sanadka 2015-ka.

Madaxweynaha, ayaa waxaa la xaqiijiyay in bishaan uu booqan doono dalalka Somaliya, Ethiopia iyo Tanzania, laakiin si rasmi ah looma shaacin mudada uu safarkaasi qaadan doonto iyo goorta uu bilaabanaayo.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii August ee sanadkii 2011-ka yimid Soomaaliya isagoo xiligaas ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga halka uu haatan yahay Madaxweynaha dalka Turkiga.

Xilligii uu imaanayay waxaa dalka ka jirta abaar xoogan, iyadoo dowladda Turkiga ay gacan ka qaadatay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii abaarta kasoo barakacay ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ma cadda goorta uu bilaaban doono safarka Madaxweynaha Turkiga uu ugu soo amba baxayo Geeska Afrika iyo mudada ay qaadaneyso intaba.