U bood dhigaalka

Madaxweynihii Dalka Uzbekistan Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Dowladda Uzbekistan ayaa si rasmi ah waxay u shaacisay geerida madaxweynahoodii Uzbekistan Islam Karimov kaas oo muddo Todobaad ah xanuunsanayey.

Karimov ayaa dalka Uzbekistan xukumayey 25-sano, waxaana uu ku dhintay 78-sano jir, iyadoo laga hayey dhanka wadnaha.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in madaxweynahooda geeriyooday aas qaran loogu sameyn doono magaalada uu ku dhashay ee Samarkand.

Islam Karimov ayaa dalkaasi xukumayey tan iyo 1991 xilligaasi oo dalkaa xornimada ka qaatay Moscow.

Goobjoog News