Madaxweynaha Dowladda Galmudug Oo Magacaabay Wasiir Cusub

Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabistani u cuskanaya qodobo kamid ah dastuurka dowladda Galmudug.

Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magacaabay waisir cusub oo kamid noqonaya wasiirradiisa.

Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug ee caasimadda Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Galmudug uu magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta iyo arrimaha federaalka oo uu u magacaabay mudane Saalax Cabdullaahi Maxamed.

Wasiirkani ayaa kamid noqonaya golle wasiirro oo dhowaan uu madaxweyne Axmed Ducaalle kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb kuwaasoo ay ka soo dhex muuqdeen wasiirradii hore iyo qaar kaloo cusub.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA:

loop

Goobjoog News

Related Articles

32 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW