U bood dhigaalka

Madaxweynaha Eritrea Afwerki oo Gaaray Itoobiya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Eritrea,Isaias Afwerki ayaa saakay gaaray magaalada Jimma ee gobalka ismaaulka Oromada dalka itoobiya , Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku soo dhaweeyay.

Isaias Afwerki oo uu weheliyo wasiirkiisa arimaha dibadda ayaa waxaa la sheegay in uu itoobiya ku joogi doono 3 bari oo booqasho rasmi ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadli doona sida ay sida ay sheegtay saxaafada itoobiya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Ethiopia iyo Eritrea, Abiy Ahmed ayaa horay bishii August u booqday dalka Eritre.

Goobjoog News