U bood dhigaalka

Madaxweynaha: ‘’Fursadda ah in la cafiyo kuwa diyaarka u ah inay ka haraan fikirka khaldan, weli way furan tahay’’

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed- Muqdisho, 23 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guusha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, oo ka mid ahayd goobaha yar ee weli ay ku dhuumaleysanaayeen kooxda argagixasada ah ee Al Shabaab.

“Markii aan talada dalka qabtey, waxaan muhimadda koowaad ka dhigtey hawsha nabad ka aslaaxinta dalka iyo sugidda amniga. Saddex sanno ka hor dad badan ma rumeysneyn in go’aankaasi aanu gaarney uu suurageli karo. Laakiin kuwii fikirkaasi aaminsanaa maanta wax ka duwan ayaa u muuqda, waxaana u caddaatey in balanqaadkeenii uu dhab noqday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in guusha ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen Baardheere ay war wanaagsan u tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in aan marnaba laga shakin go’aanka dowladda. Waxaa laga yaabaa in dagaalka dalka lagu xasilinayo uu noqdo mid adag, laakiin waxaa weli sidii u taagan go’aanka aniga iyo qeybaha kale ee ina taageeraya aanu qaadaney, iyadoo weliba adkeysiga qarankeenu leeyahay uu maalinba maalinta ka sii dambeysa sii xoogeysanayo’’.

Madaxweynaha ayaa mar kale sheegay in kooxaha xagjirka ah ay weli haystaan fursad ay shacabkooda dhinac uga raacaan.

“Ma jiro mustaqbal wanaagsan oo laga dhaxlayo xagjirnimada. Weli albaabadeena way u furan yihiin kuwa diyaarka u ah inay dagaalka joojiyaan, ee doonaya inay ku soo biiraan dadaalka dib u dhiska dalka, ee uu shacabku wada taageersan yahay. Hadda ayayna fursaddaasi jirtaa. Mustaqbalka Soomaaliya waxaa uu ku jiraa gacmaheena. Waa inaan ku haminaa danta dalkeena oo ku jirta nabadda iyo amniga oo la sugo’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii tacsi u direy qoysaskii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda u hurey u adeegista qarankooda.

“Aan u wada duceyno geesiyaashii ciidammada ka tirsanaa ee dhintey iyagoo qarankooda u adeegaya. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo eheladii ay ka tageen.”