U bood dhigaalka

Madaxweynaha Gal-mudug Oo Kulamo La Qaatay Waxgaradka Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Mudug

Sheeko:Dalka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Madaxweynaha maamulka Gal-mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kulamo la yeeshay Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan gobalka Mudug.

Qeybdiid oo dhawaan halkaasi dib ugu laabtay ayaa socdaal kusoo maray deegaano badan oo ka mid ah gobalka Mudug, waxaana halkaasi uu kula kulmay dad aad u badan.

Gudoomiyaha Gobaka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulkooda uu kulamadaan kusoo hadal qaadayay sida bulshada ay u taageeri lahayd maamulka la doonayo in loo dhiso gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

“Madaxweynaha waxyaabaha uu kala hadlayay bulshada waxaa ka mid ahaa sidii loo taageeri lahaa maamulka cusub ee la filayo in la dhiso, sidoo kale waxa uu u kuur galayay xaaladda guud ee dadka Mudug ku sugan yihiin” ayuu yiri Aweys Cai Saciid.

Madaxweynaha Galmudug State mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shacabka deegaanada maamulkiisa ka taliyo ka dhaadhicinaya in ay taageeraan maamulka cusub ee loo sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, isaga oo kulamo lasoo qaatay dadweyne fara badan.

Goobjoog News