U bood dhigaalka

Madaxweynaha Gal-mudug Oo Gaaray Degmada Cadaado Iyo Kulan Uu La Yeeshay Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Madaxweynaha maamulka Gal-mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo dhawaan uu ka furmi doono shir balaaran oo maamul loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Qeybdiid ayaa soo dhaweyn ka dib waxa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana uu kala hadlay arimo ku aadan shirka Cadaado ka furmi doona.

Maxamed Xaaji Xuseen oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u sheegay Goobjoog Fm in Qeybdiid ay kala hadleen arimo ubadan iskaashi iyo dar dar gelinta shirka Cadaado.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Gal-mudug uu u sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Ximan iyo Xeeb, ayna iska kaashan doonaan arimo badan.

Ugu dambeyn Cabdi Qeybiid ayaa usii gudbay deegaanka Gelinsoor halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono kulamo lagu xalinayo xiisad beeleed halkaasi ka jira.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News