U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug iyo Hey’adaha Qaramada Midoobey oo Kawada Hadlay Arrimaha COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha Dowlad GoboleedkaGalmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa, sidoo kale shirka ayaa diiradda lagu saaray Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho.

Waxaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ayaa waxaa kulamka  ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada Galmudug sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Goobjoog News