U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray  Magaalada Gaalkacyo  ee xarunta gobolka Mudug iyagoo soo maray deegaanada Galinsoor, Bandiiradleey iyo sadax hoglo halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Bulshada ku nool.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay  garoonka ku badda cagta ee  Cabdullaahi ciise oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal dadweynaha oo isagu jira Haween. Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka yimid Magaalada Cadaado halkaasi ee uu sameeyn ku yeeshay cudurlka safmarka ah ee Covid-19 oo la sheegay inay u geeriyoodeen dad badan waxaa sidoo kale oo xariga ka jaray xarunta karantiilka dadka uu soo rito cudurka Karoona.

Ugu dambeyntii waa safarkii ugu horeeyay uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo safar ku tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug tan iyo markii loo doortay Madaxqweynaha maamuli doona afarta sano ee soo socoto Dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News