U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Baaq u Diray Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa baaq nabadeed waxa uu u diray Ahlu-sunna Waljameeca, isaga oo sidoo kale ka hadlay arrimo ku aadan safarro uu Muqdisho ku joogay.

Waxa uu sheegay in xilligaan ay haboon tahay in la wada hadlo sidoo kalena la eego aayaha guud ee dalka.

“Waxaan rabnaa inaan baaq nabadeed u jeedinno culimada Ahlu-sunna Waljameeca oo aan leeyahay ajiiba wada hadalk ay ku baaqday Galmudug, kana shaqeeya nabadda iyo xasiloonida deegaanka” ayuu yiri Guuleed.

Dhinaca kale Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in dalka hadda uu wajahayo marxalad ah sida 2016-ka looga gudbi karo, sidaa darteedna bulshada Soomaaliyeed oo dhan ay yihiin kuwo halkaasi u jiheestay si dalka isbedal loo gaarsiiyo.

Culimada Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan gobalka Galgaduud ayaa diidan maamulka Galmudug, in kastoo qaar ka mid ah hogaanka culimadaasi ay heshiis la galeen Mr Guuleed.

Goobjoog News