U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, 15 cisho ka dib doorashiidiisii.

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay ka soconayso diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Gamudug.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in guddiga qaban qaabada soo dhaweynta ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen madaxweyne Guuleed.

Waa markii ugu horeysa ee Cabdikariin Guuleed uu tagayo magaalada Gaalkacyo wixii ka dambeeyay tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Galmudug, 4-tii bishan July.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News