U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka degganyahay magaalada Muqdisho ku casuumay xubnaha labada Gole ee Barlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaannada Galmudug laga soo doorto.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhammaan intii ka soo qayb gashay kulanka, wuxuuna si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub, waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga deggan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

Goobjoog News