U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo La Caleemo Saaray

Sheeko:Dalka

Xaflad si balaaran loosoo agaasimey oo ka dhacday magaalada Cadaado ayaa lagu caleemo saaray madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo 4-tii bishan xilka loo doortey.

Waxaa caleemo saarka ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kays.

Hadal uu jeediyey madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed ayuu ku sheegey in sidii loogu doortey xilka uu oga soo bixi doono.

Goobjoog News