U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Lagu Soo Dhoweeyey Deegaanka Bitaale Xili Safarro uu Ku Marayo Mudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhul ah ku maraya deegaannada gobolka Mudug ayaa maanta gaaray deegaanka Bitaale ee gobolkaasi

Madaxweynaha ayaa siweyn loogu soo dhoweyey waxaana kulanka  ku wehlinayey  xubno ka tirsan labada gole ee maamulka iyo xildhibaano ka socda federaalka oo ka soo jeeda Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shacabka iyo maamulka Bitaale uga mahad celiyay soo dhoweynta heerka sare ah ay u sameeyeen,wuxuuna deegaanka qiyaastii 40-km  u jiraa magaalada Gaalkacyo.

Mudada uu madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka wuxuu kulamo kala duwan oo intooda badan diirada lagu saarayo horumarka deegaanka la yeelan doonaa maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka.

Goobjoog News