U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Lasiiyay Muddo Dheeraad Ah Oo Uu Kusoo Magacaabo Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobalka Mudug waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay kullan ballaaran oo ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, waxaana xildhibaanada hortagay madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Guuleed ayaa ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka in waqti loogu daro si uu usoo magacaabo wasiirada maamulkaasi, maadaama waqtigii loogu talagalay shalay ku ekaa.

Xildhibaannada Galmudug ayaa codsigaasi waxa ay u qaadeen cod gacan taag ah, waxaana la ogolaaday in muddo 15 maalin ah loogu daro Cabdikariin Guuleed.

Kulanka ka dib ayaa saxaafadda waxaa la hadlay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, waxaana uu sheegay in sababta keentay waqti ku darsashada ay tahay wada hadallo dhanka Ahlu-sunna ah, kahor inta aan lasoo magacaabin wasiirada.

“Muddo Laba Isbuuc ah ayaan qabsannay, waxaana mudadaasi rabnaa in aan wada hadal kula galno Ahlu-sunna, si is faham markii uu dhaco aan wasiiradda usoo magacwno” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay culimada Ahlu-sunna ee Galgaduud in ay wada hadalka qaataan, kana taliyaan aayaha shacabka gobalada Galmudug deggan.

Goobjoog News