U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Lugu Soo Dhoweeyey Deegaanka Ceelguula

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar gaaban ku yimid degmada Ceelguula ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ceelguula ayaa soo kormeeray dugsiga waxbarashada, hospitalka ceelguula iyo xarunta degmada.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha amni,caafimaad iyo waxbarasho ee gobolka Mudug ayaa waxa uu horay u soo dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Hospital iyo Dugsi Waxbarasho ee uu yeelanayo deegaanka Gal-barwaaqo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa shirar kooban la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Ceelguula, madaxweynaha ayaa maalmihii dambe waday safar uu ku marayey gobolka Mudug.Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 10 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 4 people, people standing  Image may contain: 4 people, people standing, sky and outdoor Image may contain: 9 people, people standing and outdoor Image may contain: 2 people, outdoor

Goobjoog News