U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Socdaalka Nabadda Ku Tagay Waqooyiga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug State Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka mid ah maamulkiisa, Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo madax kale ayaa socdaalka nabadda waxay ku tageen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Madaxweyne Guuleed ayaa halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wasiirro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno iyo madaxda maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Maamulka Puntland ayaa madaxda Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ku casuumay qado sharaf, taasi oo daba socotay quraacdii saakay Koonfurta Gaalkacyo loogu sameeyay madaxda Puntland.

Waxaa socda socdaalka Nabadda ee Gaalkacyo, waxaana la filayaa in madaxda Labadaasi maamul iyaga oo gacmaha is haysta in mar kale socod dheer ay kusoo bixiyaan xaafadaha Gaalkacyo.

Dadaal aad u xooggan baa loo galay in la helo nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo ka dib maalmo halkaasi dagaallo xooggan ka dhaceen.

Goor dhaw ayaa la filayaa sida qorshaha yahay in la kala qaado ciidamada Labada dhinac, sida ay inoo sheegeen xubno ku sugan Gaalkacyo oo dadaallada nabadda qeyb ka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News