U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Gargaarkii Ugu Horreeyay Gaarsiiyay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hiir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa gargaar isugu jira raashiin iyo biyo waxaa uu markii ugu horreeyay gaarsiiyay dadka tabaleysan ee gobolka Hiiraan.

Socdaal ay ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan oo uu hor kacayo guddoomiyahay magaalada Maxaas iyo taliyaha Booliska Baladweyne Col.Cali Dhuux Mahad Alle ayay ku gaareen deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Maxaas  gobolka Hiiraan iyadoo ujeedada socdaalkoodu ahaa sidii gargaarka degdegga ah loo gaarsiin lahaa qoysas la dhibaatoonaya abaaro ba’an oo saameyn culus ku yeeshay noloshooda.

Laga soo bilaabo 20-ka bisha October ee sanadkan 2016-ka, kumanaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira qeybo ka tirsan Hiiraan ayaa waxay soo gaareen deegaannada Maxaas iyo matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, gobolka waxaa dhibaato ku haya shuban biyoodka, dhowr-kii bil ee ugu dambesay waxaa jiray xaalado caruur u badan oo la geeyay isbitaalka magaalada Baladweyn.

Axmed Maxamed khaliif oo ah  isku duwaha Wasaaradda Caafmidaaka Gobalka Hiiraan  ayaa sheegay in xaaladda  ay ka yara wanagsantahy  sidii hore, loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax loogu qabto dadka uu sooridanayo shuban biyoodka .

Goobjoog News