U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Baladweyne Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday DDS

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxtooyada Beledweyne ku qaabilay, wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida

Wafdigani ay isugu jiraan Heer wasiiro, maamulka gobolka Shabeelle ee dalka Itoobiya iyo saraakiil sar sare oo ka socday xafiiska Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Cagjar.

Madaxweynaha iyo wafdiga ay iska xog wareysteen muhiimada ay leedahay Iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta ganacsiga,

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen ay ku qotonto dhinacyo badan sida ganacsiga wada noolaanshaha iyo amniga bulshada.

Wafdiga ayaa magaalada Baladweyne waxaa ay u yimaadeen sidii xal waara looga gaari lahaa dilal aano Qabiil ah oo dhowaan ka dhacay xadka gobolka uu la wadaago dowlad deegaanka.Image may contain: 1 person, sitting Image may contain: 8 people, people standing, tree and outdoor Image may contain: 1 person, sitting and table Image may contain: 4 people, people standing and beard Image may contain: 1 person, standing and outdoor Image may contain: 1 person, standing Image may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, child and outdoor Image may contain: 2 people, people standing, mountain, sky, outdoor and natureImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoor Goobjoog News