U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshaballe Oo Kahor Yimid Go’aankii Ay Gaareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa kahor yimid go’aan maalintii shalay ahayd ay soo saareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, kaasi oo ku saabsanaa in la laalay 11 kamid ah kuraasta aqalka hoose.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in dhammaan xilidhibaannada lagu soo doortey Jowhar ay doorashadooda u dhacday si cadaalad ah, islamarkaana aysan jirin cid awood loo sheegtay ama wax lamid ah.

Sidoo kale Madaxweyne Cosoble ayaa tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in xildhibaan Hirshabelle ah dib loogu laabto doorashadiisa, maadaama uu tilmaamay in markii lasoo dooranayey xildhibaannada ay goob joog ka ahaayeen guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer Gobol.

“Annagu dadkii aan soo dooraney waan naqaanaa, cid aan annaga ahayn oo xaq u leh in dadkaa durugtana ma jirto, guddiga doorashooyinka heer gobol iyo heer Qaran intaba waa ay fadhiyeen waana ay ka qeybgalkeen doorashooyinka halkaasi ka dhacay, dad haddii kursiga u suurtageli waayo wax sheegaa wey jiraan, laakiin xaqiiqda waxa ay tahay annaga dadka aan soo saarnay waa dad deegaanka mateli kara oo aan ku qanacsannahay, ergadii doorateyna wey joogaan, cid aan ka yeeli doonno xildhibaan aan soo doorannay hala bedalo ma jirto”

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laaahi Cosoble ayaa habeenkii xalay ahaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho waxa uu shahaadooyinka aqoonsiga xildhibaannimo ka maamul ahaan siiyeen dhammaan xildhibaannadii lagu soo doortey magaalada Jowhar oo ay ku jiraan xubno uu laalay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Goobjoog News