U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Baaq u Diray Shacbka Ka Barakacday Masaajid Cali Guduud

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federakla Soomaaliya  Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray Degaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo deegaanka.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Cali Gaduud kusoo dhoweeyay Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida waxa uuna bogaadiyay guulaha laga gaaray howlalada ciidanka huwanta ah ay ka wadaan deegaannada Hirshabeelle oo ay ka qabsadeen deegaanno badan Al-shabaab, waxaana bulshada deegaanka ka baraakacay uu ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan deegaanka oo xilligaan nabad ah sida uu hadalka u dhigay Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlaayay.
” Waxaan ugu baaqaayaa dadka degmada Cali Guduud in guryahooda ay kusoo noqdaan, nabadgalyo ku noolaadaan, qof wax loodhibaayo majirto, Ninkii Shabaab ah waaa la’iska dhicinaa, ninkii shacab ah gurigiisa ha yimaado, nabad haku shaqeysto, Beertiisa ha tacbado, Xoolihiisana ha ilaashado Ilmahiisana Qu’aanka ha u dirsado. Cid qarax uga xireysa ama dagaal uga diraysaa majirtee si nabadgalyaa wax u bartaan” ayuu yiri nadaxweynaha oo baaq u dirayay shacabka ka barakay deegaanka.
Deegaanka Masaajid Caligaduud ayaa dhawaan ciidanka dowladda oo taageero ka helayo waxaa ay kala wareegeen Al-shabaab, waxaana deegaanka laga dareemayaa burbur xooggan, kaas oo kasoo gaaray dagaallo iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ka socday muddo laba Asbuuc ah, ciidanka qabsaday Masaajidka Cali GUduud ayaa sheegay in ay ku siijeedaan degmada Aadan Yabaal oo wax ka yar 10km ay u jiraan sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa ee howlgalka wada.
Goobjoog News