U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Gaaray Ceelmacaan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo bulshada deegaanka, isaga oo socdaal u tagay xeebta Ceelmacaan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga iyo tan kalluumeysatada deegaanka oo muddooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib Shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.

Madaxweyne  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in cabashada dadka deegaanka iyo tan kalluumeysata uu la wadaagi doono  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si wax looga qabto cabashadooda ku aadan maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya kalluunka.

Goobjoog News