U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Ka Hadlay Qorshayaasha Xukuumaddiisa Cusub

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta soo xiray shir wadareedka Golaha wasiiradda ee banbaxa oo shalay furmay. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay xukuumadda cusub waxa uuna tilmaamay in la fulin doono howlaha hortabinta u leh Dowladda.
Kulan wadareedka oo ahaa ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo xukuumadu ayaa looga hadlay barnaamijka xukuumadda, Istaraatiijiyada Kobcinta dhaqaalaha, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta golaha Xukuumadda, madaxweyne Cali ayaa u mahadceliyay dhamaan xubnaha golaha wasiiradda, Lataliyaasha howlwadeennada Madaxtooyada iyo qeybaha kale duwan ee bulshada ee shirka kasoo qeybgalay, oo ahaa kii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada ee maamulka.
Madaxweynaha oo gabagabadii shirka ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo sidii loola tacaali lahaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaannada Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in xaalad adag ay ka jiro inta u dhaxaysa Matabaan iyo Maxaas oo Isgaarsinta laga jaray ciilashana laga duugay.
Waxaa uu  sheegay in Lacagaha Kaashka ah oo siiyaraanaya iyo isgaarsiinta la jaray ay keentay in dadka noloshoodu xalad adag ay soo wajahaday, maamulka gobolka ayaana bilaabay in deegaannadaas ay ka sameeyaan biyo dhaamin, kadib markii ciidanka xooggu ay gaareen, waxaana howlgalka joggaamiyanay guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan.
Goobjoog News