U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyeeyay Mas’uuliyiintii Qaraxa Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoysaskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle”.

Goobjoog News