U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay Ergayga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobey

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway.
Madaxweynaha iyo Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo ay kala hadleen howlaha muhiimka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda Khawaarijta ah oo laga xoreeyay deegaano badan oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, Sidoo kalana ay isu diyaarinayaan Wajiga labaad ee howlgalada si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta cadowga ku jira.
Goobjoog News