U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay James Swan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qadka Internet-ka waxaa uu kula qaatay u qaabilsanaha xogyaha guud ee Qaramada Midoobe arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulan oo ayaa inta badan waxaa xoogga lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta bulshada dhaqaalaha iyo taabogelinta  doorashooyinka heer federaal oo la filaayo inuu dalku aado dabayaaqada 2020 iyo 2021-ka.

James Swan ayaa waxaa uu hambalyo u diray madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo kusoo baxay doorashadii dhacday magaalada Jowhar  11-kii bishaan November.

Beesha caalamka ayaa horay maamulkaan curudunka ah waxaa ay u balan qaadeen in ay ka taageeridoonaan dhinacyada amniga iyo mashaariic hormarineed, kuwaas oo laga fulin doono deegaannada Hirshabeelle.

Goobjoog News