U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Gaarey B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha ayaa loo gudbiyey xarunta gobolka ee magaalada B/weyne, waxaana lagu soo waramayaa in haatan uu halkaasi kula hadlayo qeybaha kala duwan ee bulshada B/weyne.

Waxa uu madaxweynaha Hirshabelle uu la kulmi doonaa ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo horey u diidanaa qorshihii lagu dhisayey maamulkaasi.

Ammaanka guud ee magaalada B/weyne ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo sawirada madaxweynaha Hirshabelle lagu dhejiyey waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News