U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Yimid Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar ay kaga soo ambabaxeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa ulajeedka uu usoo aadey Muqdisho ku sheegay inuu la kulmi doono madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka oo uu sheegay inuu kala hadli doono arrimo la xiriira maamulkiisan cusub.

Sidoo kale Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in kulamo uu la qaadan doono bulshada Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayna ka wada hadli doonaan sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee horyaalla maamulkiisa.

“Waxaan ku wajahanay magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka, waxaan halkaasi kula soo kulmi doonaa beesha caalamka, waxaa billowday halgankii hirgelinta dowlad goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabelle mar uu saxaafadda kula hadlayey magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble uu la kulmo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin kale.

17-kii bishan doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ayaa madaxweynaha Hirshabelle waxaa loogu doortay Cali Cabdullaahi Cosoble, iyadoo ku xigeen loo doortay Cali Guudlaawe.

Goobjoog News