U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ivory Coast oo Xilka Ka Qaaday Saraakiil Sarsare oo Ka Tirsan Ciidamada Milatariga iyo Booliska

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Ivory Coast “Alassane Ouattara” ayaa xilka looga xayuubiyay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Milatariga, Booliska, kadib markii gadood ay sameeyeen ciidamo ay keentay in xasilloon darro baahsan ka dhacdo dalkaas.

Ciidamo caraysan oo dalbanaya in mushaar kordhin loo sameeyo ayaa Jimcihii lasoo dhaafay qabsaday magaalada labaad ee ugu weyn Ivory Coast ee “Bouake”, waxaana qabsashada magaalada kadib ku biiray ciidamo kale oo iyaguna taageeradooda u muujiyay qeybo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.

Ra’isul wasaaraha Ivory Coast “Daniel Duncan” ayaa iska casilay  xilka, kadib markii dalkaas uu yeeshay dastuur cusub, bishii lasoo dhaafayna ay qabsoontay doorashii baaralamaanka, iyadoo dalkaas ay caado ka tahay in xukuumaddu ay iscasisho kadib mark al doorto baarlamaan cusub. kulan uu  ra’isul wasaaruhu la qaatay madaxweyne “Alassane” ayuu kulanka kadib saxaafadda u sheegay: “Waxaan gudbiyay warqaddii iscasilaadda aniga tan xukuumadda labadaba”. Ra’sul wasaarahan ayaa la filayay inuu xilka ka dago sabtidii lasoo dhaafay, waxa uuse u hakaday gadoodka ciidamada oo si lama filaan ka ah ku dhacay.

Ivory Coast ayaa ah dhaqaalaha ugu weyn uguna taanaadsan ee Galbeedka Afrika, waana soo saaraha ugu weyn ee Kookaha Adduunka, sanadkii 2011 ayaa dalkaa uu ka dhacay dagaallo socday in muddo ah oo saameyn ku yeeshay, dowladnimada iyo dhaqaalaha dalkaas.

Iyadoo ay jirto in xal laga gaaray dagaaladii ayaa haddana waxaa dowladda Ivory Coast culeys weyn ku ah ciidan dishibiliinku ku yaryahay kala qeybsanaan badanina ay ka jirto.

Goobjoog News