U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jabuuti oo u Hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Shiikh

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo habeenimadii xalay Baarlamaanka labada gole ay u doorteen madaxweynaha 10-aad, waxaana isisoo taraya hambalyada kala duwan ee ka imaanaya dunida ee loo jeedinayo Xasan.

” Waxaa farxad weyn ii ah inaan u hambalyeeyo Hassan Sheikh Mohamud , Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Doorashadiisa waxay daliil u tahay adkaysiga hay’adaha Soomaaliyeed iyo waqti taariikhi ah oo u ah dhammaan Soomaalida. Allaha awooda leh ha ku garab galo hawsha weyn ee hortaala” ayuu ku yiri  bartiisa Twitterka Ismaaciil.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa hambalyeeyay madax kala duwan, waxaana hambalyada madaxweynaha Jabuuti ay imaanaysaa iyadoo cilaaqaadka Jabuuti iyo dowladdii Farmaajo uusan aheyn mid wanaagsan, Xasan ayaa noqday maadaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaaliya laba jeer madaxweyne ka noqda.

Goobjoog News