U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka Qeybgalay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda

Sheeko:Amniga
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka, taas oo dadka iyo duunyada saameysay.
Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa kooxda  Alshabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.
“Madashan waa ay sii socon doontaa, , waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, wasiirrada iyo guddiyada Baarlamaanka ayaa imaan doona, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo golayaasha, meelkasta ay joogaan waa in ay dadka horfariistaan, dadka Soomaaliyeed Xamar uun kaliya ma ahan, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.
“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynha isaga oo ka hadlayay Dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.
Goobjoog News