U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubaland Oo Soo Gaba-Gabeeyay Booqashadii Uu Ku Joogay Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020.

 Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Sidoo Kale Aqriso Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Labada Dhinac

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/saciid-deni-iyo-axmed-madoobe-oo-guul-iyo-horomar-ku-sheegay-shirarkii-ugu-qabsoomay-garoowe/

Goobjoog News