U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka difaaca Kenya oo kulan ku yeeshay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wasiirka difaaca dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale.

Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, waxaana magaalada Kismaayo uu kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa labada dhinac ay kaga wadahadleen dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab iyo sidii ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen.

Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu balan qaadayo in ay ka qayb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

May be an image of 4 people, people standing and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

Goobjoog News