U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya Oo Arimo Dhowr Ah Ka Shiray (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu kula kulmay wasiirka arimaha dibadda dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom oo arrimo badan ka wada hadleen.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa Labada Mas’uul waxa ay ka hadleen arrinta ku aadan ka wada shaqeynta ammaanka, iyo sidii loo heli lahaa xasilooni.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr.Tedros Adhanom ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland qaabka ay ku wadaan dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa, iyadoo dhanka kale la sheegay in la’isku soo hadal qaaday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, inkastoo wixii ay iska yiraahdeen aanay saxaafaddu ogaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Itoobiya uga mahadceliyay sida ay xilka weyn isaga saartay isku keenistii dowladda Federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan heshiiskii Addis Ababa.

Madoobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga iyo sidoo kale la dagaalanka Al-shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa horay siyaabo gaar gaar ah ugu casuuntay Addis Ababa, Madaxweynayaasha maamulada Somaliland iyo Koonfur Galbeed, waxaana arimihii ay ka wada hadleen ugu weynaa ka wada shaqeynta ammaanka.

Hoos ka arag Sawirada

Kulan3 Kulan2 Kulan1

Goobjoog News