U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Cafis u Fidanaya Maxaabiis Ku Xiran Xabsiyada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in cafis ay u fidin doonaan maxaabiis ku xiran xabsiyada ku yaalla Kismaayo qaarkood.

Mar uu warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in bishan Ramadan awgeed ay cafin doonaan maxaabiistan, islamarkaana wixii aan dambiyo culus gelin lasii deyn doono.

Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha maxaabiista ayuu ka codsaday inay soo gudiyaan magacyada dadka arrimaha siyaasadda u xiran iyo shaqsiyaadka aan dalka dambi weyn ka gelin.

Dhinaca kale Axmed Madoobe waxa uu ugu baaqay dhammaan hay’adaha Jubbaland in ay xoojiyaan shaqooyinkii ay hayeen si loo helo isbedallo cusub.

Hadalkan Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli xabsiyo ku yaalla magaalada Kismaayo ay ku xiran yihiin maxaabiis badan oo dambiyo kala duwan galay.

Goobjoog News