U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Ka Hadlay Kulan uu La Qaaday Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka warbixiyey kulan maanta uu magalada Dhuusamareeb kula qaatay madaxweynaha dowladda federaalka maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta madaxtooyada Jubbland  ayaa lagu sheegay in kulanka uu la qaatay madaxweynaha uu ahaa kulan u gogol xaar ah, wadahadallo ay dowladda federaalka la galayso Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Kulanka madaxweynaha maamulka Jubbaland u la qaatay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Farmaajo  ayaa waxaa uu ku soo adayaa iyadoo muddooyinkii dambe uu taagnaa khilaaf u dhaxeeyo labada dhinac, kaas oo ka dhashay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee sanadkii 2019-ka, ilaa waqtigaas majirin isku soo dhowaansho.

Goobjoog News