U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Warbixiyey Safar Uu Ugu Maqnaa Itoobiya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo lagu soo dhoweeyey.

Xubno kamid ah Baarlamaanka iyo wasiirada Jubbaland ayaa madaxweyne Axmed Madoobe kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa markii uu soo gaarey madaxtooyada Jubbaland waxa uu saxaafadda uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in dalka Itoobiya oo maalmo ku maqnaa kula soo kulmay madaxda dalkaasi oo ay kasoo wada hadleen arrimo ugu badan  iskaashi amniga oo Labada dhinac ay sameeyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu soo marey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu kula soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi iyo sidoo kale Diplomasiyiin shisheeye oo halkaasi xarumo ku leh.

Ugu dambeyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ammaaney doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda magaalada Kismaayo,  kuwaasi oo meel gebogebo ah maraya.

Goobjoog News

j1 j2 j3