U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Kulamo La Qaatay Madax Ka Tirsana Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo kale duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Soomaalida, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweyne Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abey Ahmed, waxaana ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah, iyadoo safarkiisa Itoobiya uu kusoo aadayo xilli ciidamo ka tirsan federalka dalka Itoobiya ay soo gaareen Jubbaland si ay howlgallada qeyb kaga noqdaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida  Mustafa Muxumed Cumar ayaa Caawa Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.
Kulanka Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan, waxaana lagu wadaa in dhowaan Jubbaland laga bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Goobjoog News