U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Maanta La Caleemo Saarayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Waxaa magaalada Kismaayo ka soconaysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema saarka, iyadoo magaaladaasi ay ku qulqulayaan mas’uuliyiin aad u badan.

Ciidamada ammaanka ayaa aad u adkeeyay amniga magaalada Kismaayo, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi lagu arkayaa askar badan.

Shalay waxaa magaalada Kismaayo lagu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isaga oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Goobjoog News