U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Muqdisho u Yimid Talo Siinta Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo isniin ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Axmed Madoobe ayaa kasoo ambaba baxay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, waxaana mar uu saxaafadda kula hadlay garoonka Kismaayo uu shaaciyey ulajeedka safarkiisa Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in ugu horreyn safarkiisa uu la xiriiro ka qeybgalka caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 22-ka bishan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waxyaabaha kale ee Muqdisho usoo aadey ay kamid tahay in madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la qaato, islamarkaana uu madaxweynaha siiyo talooyin wax u tari kara shacabka Soomaaliyeed, waxna ka bedali kara xaaladda amni ee dalka ku jiro.

Axmed Madoobe waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhowooweyey Xildhibaanno  ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Goobjoog News