U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Sheegay In Dhawaan Ay Qaadayaan Weeraro Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay xerooyinka ay ku xarreysanyihiin ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa sheegay in la xoojin doono tababarada ciidamada, islamarkaana ciidanka laga doonayo inay dhulkooda hantaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xogga dalka ay yihiin kuwa la doonayo in looga maarmo ciidan shisheeye islamarkaana bedala AMISOM, balse intaasi kahor looga baahan yahay inay adkeysi badan muujiyaan.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidankaan ku sugan Kismaayo ee isku dhafka ah raashiinkooda ay bixin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana mushaarkooda ay dowlado kale bixin doonaan.

Jubbaland ayaa diyaar garow ugu jirta inay qaaddo weeraro ka dhan Al-shabaab, kuwaasi oo ay ku dooneyso inay ku qabsadaan deegaannada weli gacantooda ka maqan.

Goobjoog News