U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyaha Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyahii gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, ka dib wareegto uu soo saaray.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay xilka ka qaadista Kaliil.

“Xilkaan Kaliil muddo wuu hayay, hadana waa laga qaaday, xil la qaadana dhibaato malahan, sababtoo ah waa meerto, qof walba oo xil qabtana maalin baa laga qaadayaa” ayuu yiri Fartaag.

Jeneraal Fartaag ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in xil ka qaadista Kaliil ay saameyn ku yeelato heshiiskii Doolow shalay lagu gaaray iyo in kale, waxaana uu sheegay in aysan jiri doonin wax saameyn ah.

“Doolow is faham aad u wanaagsan oo ay ku farxi doonaan inta jecel Jubbaland ayaa dhacay, xil ka qaadistaan iyo heshiiskaanna wax shaqo ah oo ay isku leeyihiin malahan” ayuu yiri Fartaag.

Shalay ayaa degmada Doolow ee gobalka Gedo waxaa heshiis ballaaran ku gaaray maamulka Jubbaland iyo xubno maamulkaasi mucaarad ku ahaa.

Goobjoog News