U bood dhigaalka

Madaxweynaha K/galbeed Oo Amray In Ciidanka Xoogga Dalka Ka Baxaan Baydhabo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa amray in dhammaan ciidanka xoogga dalka ay isaga baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay iney tagaan saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi iyo sidoo kale dhanka furumaha dagaalka.

Lafta Gareen ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu dhex arki karin askari hubeysan, sababtuna wuxuu ku sheegay in amni darrida magaaladaasi ay badatay.

Wuxuu sheegay madaxweynaha K/galbeed in ciidanka milatariga ay ka qeybqaateen dil shalay ka dhacay beer ku taalla magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ciidanka xoogga dalka iney soo qabtaan askartii dilka ka dambeysay, lana horkeeno cadaaladda.

Ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib markii la sheegay in xiisad ay ka dhalatay dadkii shalay lagu dilay magaaladaasi.

Goobjoog News