Madaxweynaha K/galbeed Oo Maanta La Dooranayo

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee dowlad goboleedka K/galbeed.

Doorashadan waxaa u taagan Shan musharrax, waxaana laga reebay musharrax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ugu xiran magaalada Muqdisho.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay sugayaan amniga magaaladaasi.

Waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo kan gaadiidka ee magaalada Baydhabo, iyadoo doorashada ay bilaaban doonto saacado kadib.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW